Iska hor imaad ka socda Xerada Ciidamada Jeneraal Gordan ee Imaaraadka ay wareejiyeen

Iska hor imaad ayaa lagu soo waramayaa inuu ka socdo Xerada Ciidanka Jeneraal Gordan ee Degmada Hodan, halkaasi oo ah goobtii maalmo ka hor Imaaraadka Carabta ay ku wareejiyeen Taliska Ciidanka Xoogga dalka. 

Iska hor imaadkaan wuxuu ka dambeeyay, kadib markii saaka ay halkaasi tageen Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliya oo ka baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, kuwaasi oo rabay saanad Militari iyo gaadiid inay kala baxaan Xerada Ciidanka. 

Ciidamadii joogay Xerada ayaa iska diiday in hubkooda la qaato, waxayna u sheegeen Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya hubka in aanan la qaadi karin. 

Saraakiisha Ciidamada Militariga ayaa la sheegay inay soo weerareen Xerada Imaaraadka, sidaasina uu halkaasi iminka uga socdo Iska hor imaad ciidankii Xerada joogay iyo kuwa kale oo Militari ah. 

Ciidamada Imaaraadka ay tababareen ayaa difaacanaya hubka dhex yaala xerada Dhexdeeda oo ay doonayaan Saraakiil Militariga ka tirsan inay qaataan.

Faallooyin