Xaalad amni oo ka jirta Xarunta Taliska ciidanka Amisom ee Xalane

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta Xarunta Taliska ciidamada Amisom ay ka jirto xaalad amni, sidoo kalena la mamnuucay gaadiidka banaanka ka imaanaya ee xerada soo galaayo.

Saraakiil ayaa xaqiijiyay inay jirto cabsi la xiriirta weeraro Shabaab ay ku soo qaadaan Xarunta Xalane, iyaga oo adeegsanaya nooc ka mid ah gaadiidka Amisom ee Shabaab ay ku qabsadeen dagaalo ka dhacay Shabellaha hoose.

Dhamaan gaadiidka ka geli jiray albaabka Madina Gate ayaa maanta la hakiyay, waxaana Shaqaalaha iyo Saraakiisha gudaha Xerada Xalane ku sugan loo diray farriimo ku aadan inay jirto xaalad amni.

Ciidamada Amisom ee waardiyaha ka haya xarunta Xalane, ayaa si wayn feejignaan loo galiyay.

Shaqaalaha Somalida ah ee maalinkasta taga Xarunta Xalane, ayaa maanta lagu wargeliyay inaysan imaan karin xerada, maadaama ay jirto xaaladaasi cabsida ah.

Saraakiil ayaa sheegay xogtan inay Amisom ka heleen ilo dhanka Sirdoonka ah, maantana ay jirto feejignaantaasi.

Xoogaga Shabaab ayaa dhawr mar isku dayay inay weeraro ku qaadaan Xarunta Taliska ciidamada Midowga Afrika Amisom Xalane oo ah goob amnigeeda si wayn loo adkeeyay.

Faallooyin