Macalin wax ka dhigayay Iskuulka ay Maamuulaan Turkida oo lagu dilay Deyniile.

Faahfaahino Dheeraad waxey ka soo baxeysa Weeraro Mataano ahaa oo Goordhow ka dhacay Degmada Deyniile ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Weerarka Koowaad ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Kuliyada Jaale Siyaad, Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya weerarkaas, Wararka qaar waxey sheegayaan in Hoobiye uu ku soo dhacay meel banaan ah isla mar ahaantaasina aysan jirin wax Khasaare ah oo ka dhashay, Warar kale waxa ay sheegayaan inuu ahaa Baasuuke lagu riday gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen Ciidanka Dowladda.

Ciidamada mniga ayaa rasaas xoogan ku riday goobta ay Jugta ka yeertay halkaas oo aan la soo sheegin Khasaare ka dhashay.

Dhinaca Kalena, Kooxo Hubeysan ayaa Goordhow Xaafada Oodweyne ee Degmada Deyniile, Waxa ay ku dileen Macalin wax ka dhigayay Mid Kmaid ah Jamaacadaha ku yaala Magaalada Muqdisho.

Xubno kamid ah Maamulka Degmada Deyniile ayaa inoo Sheegay in Ninka la dilay lagu magacaabi jiray Ismaaciil Cadoow Nuur, uuna Barre ka ahaa Jaamacada Somaliya iyo Sido kale Iskuulka Turkida ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Kooxihii hubeysnaa ee dilka geystay ayaa waxaa usuura gashay iney goobta ka baxsadaan, Waxaana howlgalo wada xiligan Ciidamada amniga.

Faallooyin