Doorashada Kursigii Golaha Shacabka ee uu ka geeriyooday Bootaan Ciise Caalin oo maanta Dhuusamareeb ka dhaceysa

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa lagu waddaa in maanta lagu qabto doorashadda Kursi ka banaan Golaha Shacabka.

Guddiga doorashooyinka ayaa shaaciyay in maanta la qaban doono kursigii uu ka geeriyooday allaha unaxariiste Bootaan Ciise Caalin.

Kursigan loo tartamayo maanta, waxaa ka geeriyoodey Bootaan Ciise Caalin, waxaana maanta ku tartami doona musharraxiinta kala ah:

1- C/laahi Faarax Wehliye

2- Maxamed Cilmi Afraxa (Mideeye)

Waxaa Dhuusamareeb ka soconeysa diyaar garowga doorashada, iyadoo halkaasi ay ku sugan yihiin ergadii wax dooran lahayd iyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

Faallooyin