Haweenay haysatay laba caruur ah oo xalay isku daldashay Degmada Yaaqshiid

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Xaawa Cali Maxamed ayaa Xalay isku daldashay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir. 

Xaawa Cali Maxamed ayaa isku daldashay dhisme ku dhow Saldhiga Booliska ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo aan la garanayn wixii ku kalifay in ay is disho. 

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in muddooyinkii ugu dambeysay ay haweeneydan la tacaaleysay xanuunka dhimirka. 

Macalin Cabdulle Macow oo ay ehelo ahaayeen marxuumadda ayaa Warbaahinta u sheegay in meydkeeda ay geeyeen Xarunta Dembi Baarista ee CID. 

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa baaraya sababta ka dambeysay in haweenaydaan ay is disho, inkastoo ay jirto arrinta ku aadan inay xanuunsaneyd.

Faallooyin