Wasiirada Amniga iyo Qorsheynta Somaliya oo Gaaray Magaalada Boosaaso.

Waxaa Goordhow Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gnaacsiga Puntland gaaray Wafdi balaaran oo ka socda Dowladda Federaalka Somaliya.

Wafdigan oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Dhexe ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka AMniga Gudaha Maxamed Abuukar isloow Ducaalle, Isloow waxaa la socday Wasiiiro uu ku jiro Wasiirla Qorsheynta Jamaal Xasan.

Garoonka Boosaaso, waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, Isimada Gobolka Bari, Ururada Buslada Rayid iyo Saraakiisha Ciidamada.

Socdaalka Wasiiradan ayaa ku soo aadayaa iyadoo Maanta ay Xiisad ka jirtay Garoonka Boosaaso kadib markii Puntland ishortaag ay ku sameysay diyaarad ay raacayeen Saraakiisha Imaaraatka Carabta ee ku sugneyd deegaanada Puntland.

Lama Oga in Socdaalka Wasiirka Amniga Somaliya Isloow ay la xiriirto xalinta Xiisada oo markii danbe lagu baxay iyo arimo kale.

Warar kalena waxa ay sheegayaan in Wafdigan ka socday Dowladda Dhexe ay Puntland ugaareen ka qeybgalka Caleema saarka Beeldaaje Maxmed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaji Xaaji C/laahi.

Faallooyin