Puntland oo diiday in Imaaraatka Carabta Boosaaso ka qaataan Saanad fara badan oo Milatari.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, ayaa sheegaya in Goordhow Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ay ku duushay Diyaarad laga leeyahay Imaaraatka Carabta oo qaaday Tababarayaal udhashay Imaaraatka Carabta.

Tabarayaashan ayaa Duruus kala duwan siin jiray Ciidamada Bada Puntland ee loo Yaqaano (PMPF), Sidoo kale waxa ay siin Jireen Mushaar, Hub, Darees Ciidan iyo waliba Raashin.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa soo sheegaya in Muran Saacado badan qaatay kadib ay ugu danbeyn duushay Diyaarada iyo Shaqaalihii Saarnaa, Muranka ayaa ka dhashay in diyaarada iyo Markab kale la saaro Saanad Ciidan oo ay lahaayeen Imaaraatka Carabta.

Dekeda Boosaaso, Waxaa ku sugan mudo kusiman Laba Todobaad, Markab doonaya inuu qaado Saanada Milatariga ee Imaaraatka carabta, Waxyaabaha la rabay in la daabulo waxaa kamid ah; Gaadiid Dagaal iyo Pullet Proofka, Sanduuqyto ay ka buuxaan Bistoolado iyo agabyo kale.

Puntland oo qabtay walwal ku aadan in Saanadaas Milatari loo weeciyo Magaalada Berbera ayaa ku adkeysatay inaan Deegaanadeeda Agabka Ciidan laga qaadin.

Saraakiisha Imaaraatka carabta ayaa ka hor inta aysan duulin, waxaa lagu soo wargaliyay in la baarayo waxyaabaha ay horay uqaadanayaan Macalimiintii wax bari jirtay Ciidanka Badda Puntland ee Dalkooda dib ugu laabanaya.

Muran dheer oo mar lagu sigtay Gacan ka hadal kadib, Imaaraatkii Carabta ayaa ogolaaday in la baaro alaabohooda, taasoo keentay celinta Saanada Milatari.

Dad ku sugnaa Garoonka Boosaaso ayaa sheegay in ugu dnabeyn ay qaatay Tababarayaasha Boorsooyin umuuqday kuwo ku jiro ALaabo aan ka badneyn dharkii ay xiran jireen iyo Computero, Puntland wali si rasmi ah ma uga hadal arintan.

Warar aan la xaqiijin balse Xaqiiqda udhaw ayaa sheegaya in Khilaafka Puntland Imaaraatka Carabta soo shaac baxay, kadib markii Puntland ay iska diiday dalab uga yimid Imaaraatka oo ahaa iney iska diidaan Go'aankii Wasiirka Gaashaandhiga ee ahaa in Ciidamada ay Gacanta ku hayaan Imaaraatka ay la wareegeyso Dowladda, Bixineysana Mushaaraadkeeda.

Wararkaa waxey kaloo sheegayaan in SHirkii Golaha Wasiirada la isugu raacay inaan la dhinac mari karin Go'aanka Dowladda Dhexe, taasoo ucuntami weysay Saraakiisha Imaaraatka kaga sugan Boosaaso.

Si Kastaba, Arintan maanta ka cusub Boosaaso oo ah Xarunta Ganacsiga Puntland ayaa cirka sii galineysa Kgilaafka Imaaraatka iyo Dowladda oo haatan usii xuub siibanaya Gobolada kale ee dalka, maadaama Todobaadyadan ay ka taagneyd oo kaliya Muqdisho.

Dowladda Somaliya ayaa Axadii qabatay 9.6 Milyan oo Doolar, lacagta oo lagu qbatay Garoonka Muqdisho, waxey ku socotay Safaarada Imaaraatka, Waxaa la leeyahay Nabad Sugida Somaliya lacagtaas laba Todobaad ayey sugayeen oo dhowr jeer ayey hakiyeen Saraakiisha Imaaraatka lacagta in la soo qaado.

Faallooyin