Maamulka Degmada Beledxaawo oo Loogu Baaqay in ay Furaan Xadka Degmadaas ay La Leedahay Magaalada Mandera

Ganacsatada Ka Baayac Mushtarta Xoolaha Nool ee ku Dhaqan Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa Walaac Ka Muujiyay Xirnaashiyaha Xadka Kala Qeybiya Labada Dal ee Somalia iyo Kenya.

Maamulka Degmada Beledxaawo ee Dowlada Goboleedka Jubbaland ayaa isbuuc Ka Hor soo Saaray Amar Lagu Xirayo Xadka Degmadaas ay La Leedahay Magaalada Mandera.

Gudiga ay Ku Mideysan Yihiin Ganacsatada Suuqa Beledxaawo ayaa ugu Baaqay Maamulada amniga ee Beledxaawo iyo Mandera in ay Wadahadal Ka Yeeshaan Qilaafka soo Kala Dhexgalay ee Kala Xanibay Shacabka Walaalaha ee ku Dhaqan Mandera iyo Beledxaawo.

Catowga Ka soo Yeeray Ganacsatada Xoolaha ee Gobolka Gedo ayaa Waxaa uu imaanayaa iyadoo Maalmo Ka Hor Maamulka Degmada Beledxaawo uu Dab Qabadsiiyay Qaad Laga Gudbiyay ismaamulka Mandera oo ay Lahaayeen Ganacsatada Degmadaasi.

Faallooyin