Shabaab oo saanad Militari kala soo degay deegaanka Faax ee Gobolka Mudug

Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in hub ay kala soo dageen deegaanka Faax oo ka tirsan Gobolka Mudug, kuna dhaw Degmada Xarardheere.

Hubkaan ayaa la sheegay inay keeneen Doomo ka yimid dhanka dalka Yemen, islamarkaana deegaankaasi ku soo xirtay, iyadoo dadka deegaanka ay xaqiijiyeen in gaadiidka dagaalka Shabaab hubka lagu aruuriyay.

Gaadiidka xamuul ah iyo kuwa cabdi bilayaasha Shabaab ay isticmaalaan, ayaa la sheegay in saanada Militari lagu qaaday, waxaana lala aaday dhanka Gobolka Galgaduud.

Gaadiidkii lagu galbinaayay saanada Militari ayaa sii maray Degmada Jowle, waxayna u sii gudbeen dhanka Galgaduud.

Al Shabaab ayaa Gobolka Galgaduud ka wada qorshe ku aadan inay fuliyaan weeraro ay ku doonayaan inay ku beegsadaan magaalooyinka ay gacanta ku hayaan Maamulka Galmudug.

Faallooyin