Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo Isbedel ku sameeyay hoggaanada Talisyada ciidanka

Taliska ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa isbedel muuqda ku sameeyay Saraakiisha ciidamada Qalabka sida ee qaabilsan qaybaha hoggaanada ciidanka.

Tani ayaa ka dambeysay, kadib markii Madaxweyne Farmaajo muddooyinkii dambe uu saldhigtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, halkaasi oo ciidanka Saraakiishooda dib u habeyn loogu sameeyay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh oo shir jaraa’id ku qabtay Shalay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ka war bixiyay Is beddelka lagu sameeyay Ciidanka Xoogga, wuxuuna sheegay in hoggaanka oo markii hore ka koobnaa 23 xubnood haatan lagu soo koobay 13, iyadoo lagu soo biiriyay Saraakiil Dhallinyaro ah oo Shantii Sana ee ugu dambeysay wax barasho ugu maqnaa dibedda.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu Madaxweynuhu ammar ku bixiyay in Ciidamada loo diraya Howl-gallada loo dhammaystiro wax kasta oo ay u baahan yihiin, sida Isbitaallo guur-guura, Dawo iyo Dhaqaatiir khibrad u leh inay si deg-deg ah u fuliyaan howlaha Caafimaad ee loo baahdo sida Daweynta iyo Qalliinnada.

Faallooyin