Shabaab oo tiro madaafiic ah ku garaacay Saldhiga ciidamada Amisom ee Husingow

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro Madaafiic ah oo Al Shabaab ay ku garaaceen Saldhigga ciidamada Amisom ay ku leeyihiin deegaanka Husingow ee Gobolka Jubbada hoose. 

Madaafiicdaan oo ahaa kuwa gaaraya illaa Shan madfac ayaa la xaqiijiyay laba ka mid ah inay Shabaab la begsadeen Saldhiga ciidamada Amisom ee deegaanka Husingow. 

Saraakiil ayaa xaqiijiyay madaafiicdaasi inay ka dhasheen khasaare, ugu yaraan laba ka mid ah gaadiidkii yaalay xerada ciidanka dhexdooda inay gubteen. 

Saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa sheegay ciidamada Kenya saaka illaa duhurkii maanta inay hawlgal ka wadeen duleedyada deegaanka Husingow. 

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in madaafiicdaan ay ka dambeeyeen oo ay soo tureen Ciidamada Jugta culus ee Shabaab ka tirsan kuwaasi oo xerada ciidanka la eegtay. 

Al Shabaab ayaa xeryaha ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Gobolada dalka Somaliya sidan oo kale ugu weerara madaafiicda.

Faallooyin