Wiil 16 sano jir ah oo iska casilay xilka Gudoomiye Ku xigeen Degmo Shabellaha dhexe oo loo magacaabay

Wiil 16-sano jir ah ayaa iska casilay xil uusan awoodin maamulkeeda oo looga magacaabay Degmo ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe, kadib markii Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle xilkaasi uu u magacaabay.

Faysal C/laahi Cumar oo dhigta Iskuulka Sheekh Xasan Barsane ee Magaalada Jowhar, ayaa wuxuu sheegay inuu arkay warqad ka soo baxday Wasiirka arrimaha Gudaha Hirshabelle oo loogu magacaabay Gudoomiye Ku xigeenka Degmada Gamboole.

Faysal ayaa sheegay markii uu arintaasi maqlay inay ku noqotay fajac iyo la yaab, kadib markii uu sheegay in magacaabista xilkaasi aan lagala tashan, sidoo kalena uu yahay arday dhigta Iskuul.

Wuxuu sheegay inuusan qaadi karin masuuliyadda intaasi la’eeg ee xilkaan culus loogu magacaabay wuxuuna intaasi ku daray in arrintaan ay ku noqotay mid wal wal badan ku abuurtay.

 “Aabahey ayaa Ugaaska deegaanka la soo xiriiray, kadib aniga ayaa Siminaar la ii diray oo aan ka qaybgalay, waxaan maqlay haddana in la ii magacaabay Gudoomiye ku xigeen Degmo, marka aniga waxaan cadeynayaa in aanan xilkaasi qaadi karin.” Ayuu yiri Faysal.

Arintaan ayaa si wayn looga hadal hayaa deeganada Maamulka Hirshabelle, iyadoo Bulshada ay si wayn ula yaaban yihiin.

Faallooyin