Barasaabka Wajer oo Markale Ku Baaqay in Laga Hortago Falalka Kufsiga ah ee Ka Dhaca ismaamulkaasi.

Barasaabka Ismaamulka Wajer Mudane Maxamed Abdi ayaa Markale Waxaa uu Uga Baaqay Bulshada Reer Wajeer in si Wada Jir ah looga Hortago Falalka Kufsiga ah ee Ka Dhaca ismaamulkaasi.

Mr Abdi oo La Hadlay warbaahinta ayaa Waxaa uu Sheegay in ay Muhiim Tahay in si Wada Jir ah Looga soo Horjeesto Kooxaha Caadeystay in ay Ku Xadgudbaan Sharafta Hablaha ismaamulka Wajer.

Dhanka Kale Waxaa uu Sheegay in Wada Xaajoodyada Lagu Dhameeyo Marka ay Dhacaan Falal Danbiyeedyadaan ay Tahay Sababaha Soo Celiya Markasta Waxaa uuna ugu Baaqay Laamaha Amniga in ay Ka Hortagaan Falkaasi.

Hadalkaan ayaa Ka soo Yeeray Barasaabka ismaamulka Wajeer ayaa u Muuqdo Mid Looga Digayo Dhalinyarada Lagu eedeeyo Falkaasi in ay Kaga Wantoobaan.

Sanadaan aynu ku Gudo Jirno ee 2018_ka ayaa Waxaa Tiro Sadex Jeer ah Falalka Kufsi ah ay siyaabo Kala Duwan uga Dhaceen Degaano Hoos Yimaada ismaamulka Wajeer,taasi oo Cabsi ku abuurtay bulshada ku Nool ismaamulkaasi.

Faallooyin