Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo ganacsatadda uga digay in ay qaataan Amaradda Shabaab

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdicasiis Xildhibaan oo warbaahinta kula Magaalada Muqdisho ayaa digniin culus u diray Ganacsatadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in qaarkood ay lacag siiyaan Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in Ganacsatadda garoomada Muqdisho aysan xiri karin, islamarkaana cidii qaadata amarka Al-Shabaab in laga qaadi doono tilaabo.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay gacanta ku hayaan Liiska Ganacsatado Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay lacag siiyaan Al-Shabaab.

Waxa uu xusay in garoomadda Muqdisho oo dhawaan ay xireen Al-Shabaab in uu ku baaqayo in la furo, maadaama Al-Shabaab aysan ka talin Magaalada Muqdisho.

Digniintaan kasoo baxday Wasaaradda Amniga ayaa ku soo beegmaysa xilli Al-Shabaab ay xireen inta badan Garoomadda Salaxa ee lagu ciyaaro ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Faallooyin