Ciidamada Masar oo xiray 17 ruux oo Somali ah

Ciidamada ammaanka dalka Masar xalay xabsiga dhigay 17 qof oo Soomaali ah kuwaas oo laga qab qabtay xaafadda Nasri City ee Magaalada Qaahira. 

Ciidamada ayaa u dhacay maqaayad ay Soomaalida leedahay  oo ku taalla Xaafaddaasi,waxaana halkaas laga xir xiray dhallinyaro u badan Qaxooti iyo arday xilligaas ku sugnaa maqaayadaha. 

Saraakiisha Ciidamada ee hawlgalkaas fuliyay ma sheegin sababta ay u xir xireen dadkaasi Soomaalida ah ee ku nool Magaalada Qaahira iyada oo illaa hadda ay dadka ka dhul sugayaan jawaabta ay bixiyaan saraakiisha Ciidanka. 

Dadka la qab qabtay waxaa ka mid ah wiil Soomaali Mareykan ah,Dad qaxooti sharci sugayaal ah oo ku sugan Masar iyada oo sidoo kale ay ku jiraan Ardey. 

Ciidamada Masar ayaa howlgal guud ka wada iyada oo dalkaasi uu dhamaadka bishan isu diyaarinayo doorashada madaxtinimada dalkaasi. 

Doorashada ka dhaceysa dabayaaqada Dalka Masar waxaa la filayaa in uu ku soo boxo Madaxweynaha hadda talada haya ee C/Fataax Al sisi kaas oo dhamaan xir xiray ama dalka ka tarxiilay dadkii la tartami lahaa.

Faallooyin