Ciidamada Nabad Suggida oo weerar qorsheysan ku qaaday hooy ay ku sugnaayeen Shabaab Degmada Kaxda

Faah faahino dheeri ah ayaa laga helayaa weerar qorsheysan oo ciidamada NISA ay ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsanaa Ururka Al Shabaab Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Weerarkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii Shabaab shalay Degmada Kaxda ay ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada Nabad Suggida Somaliya.

Saraakiisha Hay’adda Nabad Suggida Somaliya oo ka jawaabayay dilka loo gaystay askarigaasi ka tirsanaa ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa xalay weeraray goobtan ay ku sugnaayeen Shabaab, waxaana ka dhacay iska hor imaadkaan.

Labada dhinac halkaasi waxaa ku dhexmaray dagaal kooban, kaasi oo gaystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira, oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Saraakiisha Hay’addaha ammaanka Degmada Kaxda ayaa waxa ay u sheegeen in dhankooda weerarkaasi uu uga dhintay Hal Askari oo lagu magacaabi jiray Alxam, iyaguna ay khasaare gaarsiiyeen xoogaga Shabaab.

Al Shabaab ayaa khasaare lagu gaarsiiyay weerarkaasi, sida Saraakiisha ay sheegeen, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray xubnaha Shabaab ka tirsan.

Faallooyin