Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya heshiiska Dakadda Magaalada Berbera

Xildhibaanada  Baarlamaanka Somaliya, ayaa maanta oo Isniin ah isugu imaanayaa mid ka mid ah kulamadii caadiga ahaa, kadib markii Sabtidii uu u furmay Kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa goor sii horeysay oo xalay aheyd waxaa lagu wargeliyay in maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana laga dalabay in ay ku yimaadaan waqtiga lagu balamay.

Ajandaha kulanka maanta ayaa waxa uu yahay ka doodista arrinta la xiriirta Heshiiska Dekeda Berbera ee saami qeybsiga ah oo ay wada gaareen Dowladaha Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Maamulka Somaliland, kaasi oo dhaliyay muran badan.

Ciidamada Booliska ayaa sidii caadada aheyd waxa ay xireen wadada horumarta xarunta Golaha Shacabka, waxaana loo diidayaa inay halkaasi maraan gaadiidka rayidka iyo Mootooyinka Bajaajta.

Faallooyin