Baled Xaawo oo lagu gubay qaad xuduuda laga soo tallaabiyay xilli xuduuda xiran tahay (SAWIRRO)

Magaalada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo, wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in maamulka Degmada uu gubay qaad laga soo tallaabiyay dhanka xuduuda Degmada Mandhera iyo Baled Xaawo ay wadaagaan. 

Xuduuda u dhaxeysa Mandhera iyo Baled Xaawo, ayaa xiran kadib markii Maamulka Jubbaland ay amar ku bixiyeen in la xiro xuduuda, sababo ku aadan muran taagan awgeed. 

Masuuliyiinta Maamulka Degmada Baled Xaawo ayaa amray in gabi ahaanba la gubo qaadkaan oo si sharcidaro ay sheegeen in looga soo tallaabiyay xuduuda,maadaama ay xiran tahay. 

Qaadka la gubay ayaa ka kooban 25 Jawaan oo ay lahaayeen dad ganacsato ah, kuwaasi oo doonaayay inay ku iibiyaan Degmada Baled Xaawo, sida uu Dhacdo.com u sheegay qof ku sugan Degmada Baled Xaawo. 

“abi ahaanbawaxa saaka la gubay 25 Jawaan oo qaad ah oo si sharci daro ah looga soo gudbiyay xuduuda u dhaxeso Balad Xaawo iyo Mandera kadib markii ay shegeen Maamulka Degmada Baled Xaawo inuu xiran yahay xadka taas oo sabab u ah takrifal.” Ayuu yiri qof ku sugan Magaalada Baled Xaawo. 

Faallooyin