Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo dowladda dhexe ka dalbaday in la cadeeyo maqaamka Muqdisho

Duqa Magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dalbaday in la cadeeyo maqaamka shacabka Gobolka Banaadir ay ku leeyihiin dowladda dhexe. 

Yariisow, ayaa sheegay Bulshada Caasimadda inay dalbanayaan matalaad siyaasadeed oo ay ku yeeshaan Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, maadaama ay la mid yihiin dowlad Goboledyada dalka ka jira. 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay dadka reer Muqdisho oo muddo sanado dhib badan ku soo jiray hadda inay u fadhiyaan helida xuquuqda siyaasadeed ee dowladda ay ku leeyihiin. 

“Shacabka Gobolka Banaadir waxa ay la dalbanayaan xuquuqdii ay lahaayeen, Gobolka Banaadir wuxuu la mid yahay Gobolada dalka, sidaasi daraadeed waxa ay rabaan matalaad inay ku helaan Aqalka Sare, waxay rabaan maqaamka in la dadajiyo, anagana waxaan codsaneynaa bacdamaa Dastuurka uu qeexayo qodobka sagaalaad, Maqaam ku yimid si Dastuuri ah ku yimid si madaxda Qaranka iyo dhamaan shacabka lagala tashtay.” Ayuu yiri Yariisow 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa sidoo kale sheegay Bulshada inay dhibaato adag ku qabaan xirnaanshaha wadooyinka Magaalada xilliyada ay Baarlamaanka Shirayaan.

Wuxuu ka dalbaday xubnaha Golaha Shacabka in wadooyinka aanan laga xiran shacabka Somaliyed si isu socodka dadka iyo gaadiidka uu caadi ku noqdo.

Faallooyin