Raiisal Wasaare Ku xigeenka Somaliya oo la kulmay madaxda dalka India (SAWIRRO

Madaxweynaha dalka India Ram Nath Kovind, Ku xigeenkiisa Venkaiah Naidu iyo Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Narendra Modi ayaa si wada jir Aqalka Madaxtooyadda ee dalkaasi ugu qaabilay waftigii uu hoggaaminayay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Md. Mahdi Mohamed Gulleed (Khadar).

Madaxda ugu saraysa dalka India ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyey wafddiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo safar ku jooga Dalkaasi India.

Kulankoodi ka dib ayaa mas’uuliyiintan waxay ka qayb qaleen kulan casho sharaf ah oo madaxda Dalka India ay u sameeyeen wafuud ka socota 121 Dal oo ka qeybgalaya shir Caalami ah oo ku saabsan ka faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Tamarta oo maanta ka furmaya magaalada New Delhi ee dalkaasi India.

Wafddiga Raiisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya ayaa inta ay joogaan dalkaasi India kulammo la yeelan doona qaar ka mid ah madaxda shirkaasi ka qaybgalaysa oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dhinac. 

Faallooyin