Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in wax laga qabanaayo dhibaatada ka taagan Garsoorka dalka

Madaxweynaha Somaliya ayaa si cad u sheegay in hadda la joogo waqtigii wax laga qaban lahaa cabashooyinka kala duwan ee ka soo yeeraya Garsoorka Somaliya.

Farmaajo, ayaa wuxuu tilmaamay inuu muddo waday daraasad uu ku qiimeynaayay hanaanka Garsoorka Somaliya, xilli ay jireen cabashooyin badan oo soo gaaraayay.

Madaxweynaha ayaa wuxuu tilmaamay nabad iyo horumar in aanan la gaari Karin iyadoo aanan waxba laga qaban Garsoorka Somaliya oo Bulshada ay ka cabanayeen muddooyinkii dambe.

 “Si dalka uu u galo xasilooni Siyaasadeed, mid dhaqaale, mid amni, waa in sharciga uu noqdaa mid sareeya, waa in dhamaanteen aan u hogaansanaa sharciga iyo sareyntiisa, waa waajib na wada saran dowlad iyo shacab, waxaa ii dhamaatay daraasad dheer oo aan ka waday cadaaladda, cabashooyin badan ayaa nooga yimid dhanka Garsoorka, waxaana la jooggaa waqtigaan xilligii aan saxi laheyn.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u sheegay in dowladdiisa ay ka shaqeyn doonto in la helo Nidaam Caddaaladeed oo lagu kalsoonkaro, inkastoo Hay’addaha Cadaaladda dalka ay ka jirto musuq maasuq badan.

Maxkamadaha Somaliya ayaa si wayn waxaa uga shaqeeya Laaluushka oo ka sareeya nidaamka sharci ee dalka, iyadoo maalin kasta maxkamadaha xuquuqdooda lagu duudsiiyo muwaadiniin Somaliyed.

Faallooyin