Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo walaac ka muujiyay ammaanka wadada Jowhar iyo Muqdisho

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, ayaa wuxuu walaac ka muujiyay ammaanka wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

Sheekh Cismaan Barre Maxamed Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa wuxuu tilmaamay ammaanka wadadaan inuu yahay mid aad u liita, marka loo eego weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay xubno ka tirsan masuuliyiinta Hirshabelle dhawr mar wadada in loo galay, kadibna ay kula dagaalameen Al Shabaab.

“Ammaanka wadada oo halis ah, taas oo ka dhigtay wadada meel aanan la mari karin, waxaan codsanaynaa in nalaga caawiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo ilgaar ah lagu haayo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa wuxuu sheegay sidoo kale Shabaab inay ku sugan yihiin Balcad iyo Afgooye inta ka dhaxeysa, halkaasi oo ay ka soo abaabulaan weerarada.

Al Shabaab ayaa masuuliyiinta Maamulka Hirshabelle, waxa ay ku dhibaateeyaan wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Muqdisho.

Faallooyin