Raiisal Wasaaraha Somaliya oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa goor dhaw ka soo dagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kadib safar uu ugu maqnaa dalka Mareykanka. 

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliya, Xildhibaano iyo madax kale oo ka tirsan dowladda. 

Khayre ayaa soo dhaweyn kadib wuxuu si toos ah u tagay xarunta ay ka socoto Furitaanka Kalfadhiga saddexaad ee Baarlamaanka Somaliya, xaruntaasi oo ah Generaal Kaahiye. 

Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta loo daah furayaa kalfadhiga saddexaad ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee dalka. 

Ammaanka wadada xiriirisa Madaxtooyadda iyo Iskuul Buluuziya ayaa si wayn loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka la soo dhoobay ciidamada kala duwan ee loo yaqaan Koofi gaduuda.

Faallooyin