Madaxweynaha Somaliya oo lagu wado inuu furo Kalfadhiga saddexaad ee labada Aqal Baarlamaanka

Waxaa Maanta lagu waddaa in Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Jeneraal Kaahiye lagu qabto Xaflada furitaanka Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xaflada furitaanka ayaa waxaa ka qab galaya Xildhibaanada labada golle ee baarlamaanka golaha shacabka iyo Aqalka sare, qaar ka mid ah golaha wasiirada Soomaaliya, Xubno matalaya maamul goboleedyada, maamulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmajo ayaa la filaya inuu si rasmi ah u furo kalfadhigaan sida uu qabo dastuurka dalka.

Ciidamada ammanka ayaa adkeeyay Amniga Xarunta Jeneraal Kaahiye oo ay xaflada ka dhaceyso.

Xildhibaanaa labada Gole ee Baarlamaanka Aqalka sare iyo Golaha Shacabka ayaa Bishii December galay fasax, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada labada Gole ay booqdeen degaan doorashooyinkooda.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla kalfadhigaan howlo muhiim ah sida dhameystirka dastuurka dalka, ka doodista iyo meel marinta sharciyada ee dalku u baahan yahay.

Xildhibaanada qaar ee labada Gole ayaa sheegay in qodobada ugu weyn oo ay ka shirayaan kulamada ugu horeeyo ina tahay amniga guud ee dalka iyo heshiiska saami qeybsiga Dekeda Berbera oo ay wada gaareen Somaliland, Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.

Faallooyin