Ciidamada dowladda oo Shabaab kala wareegay deegaanka Gamboole ee Gobolka Shabellaha dhexe

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Gamboole oo ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa la wareegay deegaan ka tirsan Gobolkaasi. 

Deegaanka ciidanka ay saaka la wareegeen ayaa lagu magacaabaa Gamboole, wuxuuna qiyaastii 50-KM u jiraa Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha dhexe. 

Dadka deegaanka waxa ay xaqiijiyeen Shabaab wax dagaal ah inuusan halkaasi ka dhicin, waxaana hadda deegaankaasi gacanta ku haya ciidamada Xoogga dalka Somaliya. 

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay ciidamada qabsaday deegaanka Gamboole inay yihiin kuwa ay u xiran yihiin wajiyada, islamarkaana wata gaadiidka dagaalka dowladda. 

Sida dadka deegaanka ay soo warinayaan Gamboole, maanta waxaa ka dhici rabay kulan u dhaxeeya ganacsatada Magaalada Jowhar oo Shabaab ay ku soo rogeen lacago badan inay bixiyaan iyo masuuliyiinta Shabaab. 

Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha dhexe, ayaa lagu wadaa inay gaaraan deegaankaasi Gamboole.

Faallooyin