Kenya oo sheegtay inay qabatay gaari qaraxyo ka buuxeen oo Shabaab u rarnaa

Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay inay gacanta ku dhigtay gaari siday waxyaabaha qarxa oo u rarnaa Ururka Al Shabaab, sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamada Kenya. 

Gaarigaan ayaa lagu qabtay deegaanka Isiola ee dalka Kenya waxaana wararka ay sheegayaan in raggii waday gaariga ay baxsadeen. 

Gaariga ayaa waxaa saarnaa Miinooyinka dhulka lagu aaso, Qoryo, Bambooyin iyo Mindiyo afeysan sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada ammaanka. 

Booliska gobolkaasi ayaa sidoo kale xusay in gaariga ay saarnaayeen waxyaabo la doonaayay in la qarxiyo oo laga sameeyay Kiimiko. 

Gaariga Qaraxa siday ayaa waxaa waday laba nin oo Kenyaan  ah oo mid ka mid ah lagu magacaabo Cabdimajiid Xasan, waxaana la sheegay in labaduna ay baxsadeen. 

Booliska ayaa hadda wadda hawlgallo ay ku baadi goobayaan raggaasi, waxaana deegaanka Isiola loo diray ciidamada Militariga Kenya oo la wareegaya ammaanka gaarigaasi.

Faallooyin