Generaal Caanood oo sheegay inay burburiyeen gaadiid qaraxyo siday oo Muqdisho loo soo waday

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa sheegay inay gubeen laba gaari oo qaraxyo ay ka buuxaan oo ay suuragal tahay in Ururka Al Shabaab ay u soo wadeen Magaalada Muqdisho sida Taliska uu sheegay.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Generaal C/laahi Cali Caanood oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay deegaanka Mubaarak inay ku guben labadaan gaari.

Hawlgalka lagu gubay gaadiidkaan ayaa wuxuu sheegay inay qaadeen ciidamada Danab cutubkooda Afaraad iyo Ciidanka Generaal Gordan Cutubkooda labaad oo iskaashanaya.

Abaanduulaha ayaa wuxuu kaloo sheegay inay gubeen Idaacad FM ah oo Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Mubaarak ee Hawlgalka qorsheysan uu ka dhacay.

 “Hawlgalkaasi waxaa lagu burburiyay Idaacad Shabaab ku lahaayeen tuulada Mubaarak, laba gaari oo qaraxyo ah oo markaasi dhaqaaq diyaar u soo ahaa.” Ayuu yiri Caanood.

Abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka Somaliya Generaal C/laahi Cali Caanood, ayaa sidoo kale sheegay ciidamada Xoogga dalka inay gacanta ku dhigeen Bakhaar qaraxyo ay ka buuxaan oo Shabaab ay maamulaan, kaasi oo ku yaalay deegaanka Mubaarak.

Faallooyin