Xeer ilaaliyaha Qaranka oo sheegay in lala xisaabtamaayo Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya ayaa fariin u diray ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo sidoo kale ciidamada ilaaliyaha Maxkamadaha  Asluubta Soomaaliya gaar ahaana gobolka Banaadir.

Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay inay jirayso Kormeero badan oo lagu tagayo saldhigyada iyo Maxkamada kuwaasoo loogu kuurgalayo Shaqada ka socota ee shacabka loo hayo.

Xeer ilaaliyaha ayaa gaba gabadii wuxuu sheegay inuu jirayo isla xisaabtan dhab ah oo qofkii waxqaba lagu qiimaynayo wixii uu qabtay kii kalana dawladu ay la xisaabtamayso.

“Taliyeyaasha Ciidamada waxaan u sheegeynaa in ay jiri doonaan isla xisaabtan adag, cabashooyin badan ayaa lagala kulmaa saldhigyada, qofkii shaqo wanaagsan sameeya waala abaalmarinayaa, balse cidii xad gudub sameysa si adag ayaa loola xisaabtami doonaa.” Ayuu yiri Dr. Axmed Cali Daahir.

Comments