Shabaab oo askar ku kala dilay Magaalooyinka Baardheere iyo Baledweyne

Rag hubaysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa dilal qorsheysan waxa ay ka gaysteen Magaalooyinka Baardheere iyo Baledweyne oo ka kala tirsan Koonfurta Iyo Bartamaha Somaliya.

Dilalkaan ayaa Shabaab waxa ay u gaysteen Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda ee Gobolka Gedo iyo Askari Baledweyne ku sugnaa.

Dilka koowaad ayaa wuxu ka dhacay Magaalada Baardheere, waxayna Shabaab shegteen inay dileen Sarkaal magaciisa lagu soo koobay Axmedey, iyaga oo ku faanay Shabaab inay qaateen qorigiisa.

Sidoo kale dabley Shabaab ka tirsan ayaa dil ka gaysatay Magaalada Baledweyne waxayna beegsadeen askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Dilalkaan ka kala dhacay Magaalooyinka Baardheere iyo Baledweyne, ayaa waxaa ay ku soo aadayaan, iyadoo Shabaab muddooyinkaan ay kordhiyeen beegsiga ay ku hayaan askarta.

Faallooyin