Sideed ruux oo cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyootay deeganada ku dhaw Buulo burde

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan kaddib markii degmadaas uu ka dillaacay Cudurka Shuban Biyoodka. 

Gudoomiyaha Degmada Buulo Burte Cabdi Daahir Guure,ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka uu ka dillaacay degmadaas iyo degaannada u dhow. 

Waxa uu tilmaamay Guure in sidoo kale ay jiraan dad kale oo iyaguna cudurkaan ugu dhintey deegaannada ku dhaw Buul-burte, hase ahaatee aan la ogeyn tiro ahaan inta ay la eeg yihiin dadkaasi. 

“Xarumo caafimaad oo waaweyn maleh halkaan, 8 qof ayaa dhimatay, sidoo kale dad kale ayaa dhintay balse tiro-koob rasmi ah ma aynu hayno.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Buulo-burde. 

Guddoomiyaha Buurlo Burte ayaa Maamulka Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka ah ugu baaqay in ay gurmad deg deg ah la gaaraan degaannadaas.

Faallooyin