Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Xaaf oo ku dhawaaqay in Cadaado tahay xarunta Baarlamaanka Galmudug

Madaxweynaha Somaliya iyo madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay in Magaalada Cadaado ay tahay xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Arintaan ayaa lagu xalinaayay tabasho maalmahan dambe ay jeedinayeen Odayaasha reer Cadaado oo ku saluugsanaa hanaanka Maamulka uu uga guurayo Magaalada Cadaado.

Waxaa lasoo sheegayaa in markii ay arrintaasi ku dhowaaqeen mas’uuliyiintan ay sidoo kale weydiiyeen waxgaradka in go’aankan ay ku qanacsan yihiin iyo in kale, waxaana waxgaradka ay sheegeen in hadda ay qanacsan yihiin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale wuxuu dhagax dhigay dib u dhiska garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, waxaana sidoo kale uu kulan la qaatay waxgaradka ku sugan Cadaado.

Wafdiga madaxweynaha uu hoggaaminayo ayaa intaasi kadib u duulay dhanka degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Comments