Caruur dowladda ay sheegtay Shabaab inay ka soo furatay oo ku dayacan Xerada Xalane

Kadib hawlgalkii 19-kii Bishan ciidamada dowladda ay ka fuliyeen deegaanka Jiliyaale oo ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe, ayaa waxaa lagu soo furtay hawlgalkaasi caruur dowladda ay sheegtay in Shabaab ay tababarayeen.

Caruurtaasi qaarkood ayaa hadda waxaa lagu haayaa Xerada Ciidamada Amisom ee Xalane, waxaana lagu soo waramayaa daryeel la’aan dhanka caafimaadka ah inay haysato caruurtaasi.

Caruurta qaarkood ayaa hawlgalkii dhacay wuxuu maskaxdooda ku reebay saameyn, qaarkoodna jirkooda waxaa ka muuqda dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray intii hawlgalka uu socday.

Qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool Muqdisho oo soo arkay xaaladda ay ku sugan yihiin caruurtaasi ayaa waxa ay sheegeen inay u baahan yihiin gurmad.

Waxa ay sheegeen dowladda Somaliya inay iska ilowday xaaladda caruurtaasi iyo ka warqabkooda.

Dowladda Somaliya ayaa sheegtay caruurtaan oo tiradooda 30 ah in laga soo badbaadiyay Shabaab, xilli Shabaab ay doonayeen inay tababaraan oo ay dagaal galiyaan.

Faallooyin