Koonfur Galbeed oo sheegtay xubno Shabaab ka tirsan hawlgal inay ku soo qabteen

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Qansax-dheere iyo Bardaale.

Maamulka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Askar iyo Xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuuradiin Abuukar ayaa sheegay in howlgal saacado badan qaatay ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan rag ka tirsan Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in xubnahan ay gacanta ku soo dhigeen ay yihiin kuwii dadka shacabka ah wadada u geli jiray oo dhaca u geysan jiray sida uu sheegay.

Sidoo kale Nuuradiin Abuukar Gacma ayaa waxa uu tilmaamay in ay xoojinayaan howlgalada Al-Shabaab ay kaga saarayaan degaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Baay.

Faallooyin