Culumada Deegaanka Garissa oo maanta daahfuray barnaamij diini ah oo looga jawaabayo xumaanta lagu faafiyo internetka.

Qaar ka mid ah culumada deegaanka Garissa ee Gobolka waqooyi Bari Kenya oo maanta kulan ku yeeshay hoteelka Almond ee Magaalada garissa ayaa daaha ka rogay barnaamij cusub oo diini ah kaas oo looga jawaabayo xumaanta aan kala goa laheen ee lagu faafiyo baraha bulshada


Culumada deegaanka oo in muda ah ka soo shaqaynayay qaabka loo waji karo dhibaatooyinka ay ka dhaxlaan baraha bulshada jiilka haatan soo koraya oo aad u adeegsada aaladaha internetka ayaa sheegay in barnaamijka cusub uu noqon doono mid lagu faafiyo khayrka loogana hortago xumaanta.


Barnaamijkaan cusub oo ay shaaciyeen culumada deegaanka islamarkaana casharo muxaadarooyin iyo wacdiyo isugu jira ka jeedi doona baraha bulshada ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo si wada jir ah ay isku raacdo culumada lana doonayo in wax looga qabto dhibaatooyinka iyo saameynta balaaran ee dhanka xumaanta lana fahansiiyo dadka sharafta iyo khayrka laga dhaxlo wanaaga diinta lana is faro wanaaga xumaantana la iska reebo

Comments