Inta badan wadooyinka Magaalada Muqdisho oo maanta xiran

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaadiidka dadweynaha u diidaya iney isticmaalaan qaar kamid ah waddooyinka ku yaalla magaalada Muqdisho.

Gaadiidka dadweynaha ayaa saakay waxaa loo diidayey iney kasoo gudbaan dhanka wadada Wadnaha, soona aadaan dhanka wadada Makka Al-mukarrama.

Gaadiidkii laga celiyay waddooyinka ayaa xiray waddooyinkii kale ee furnaa magaalada, waxaana la arkayey shacab badan oo lugeynaya.

Xaafadaha Muqdisho waxaa isku ciriiriyay gaadiid badan, kuwaa oo mari waayey  wadada Wadnaha maadaama ay isku xirantahay.

Ciidamada wax celinaya ayaa taagan Isgoysyada Sanca, 4-ta Jardiin, Siinaay, Ferolensa, Geed Jaceyl, Aadan Cadde, Howlwadaag, Bakaaraha, KPP iyo sidoo kale Tarabuunka.

Lama oga sababta keentay in waddooyinka la xiro, iyadoo dad badan ay tani u arkeen culeys kusoo kordhay magaalada.

Balse warar soo baxaya ayaa  sheegaya inay suuragal tahay abaabul banaanbax inuu ka socdo Degmooyinka Gobolka Banaadir, dadkana ay ku dalbanayaan xuquuqda Gobolka. 

Comments