Xoogaga Shabaab oo weerar culus ku qaaday deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay

Xoogaga Ururka Al-Shabaab, ayaa saakay aroortii weerar lagu jarmaaday waxa ay ku qaadeen degaanka Deynuunay oo qiyaastii 26-KM u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Shabaabka, ayaa dhanka Koonfureed ka weeraray degaanka Deynuunay, iyagoo iska caabin kala kulmay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo fariisimo ku leh labada cirif ee Deynuunay laga galo.

Ciidamada Millitariga Soomaaliya ee ku sugan degaanka Deynuunay iyo Shabaabkii weerarka soo qaaday ayaa halkaasi waxaa ku dhexmaray dagaal mudo socday, kaasi oo laga maqlay hubka la isku adeegsanayay degaanada halkaasi ka dhow.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in mar qura ay ku soo buraarugeen in dagaal uu socdo, la iskuna adeegsanayo hubka culus, waxayna tilmaameen in cabsi uu ku abuuray dagaalkaas.

Illaa hadda si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalkan, maadaama xilli aroor ah uu weerarka dhacay, balse warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay jiraan khasaare dhaawac ah oo soo gaaray Ciidamo ka tirsan Millitariga Soomaaliya.

Faallooyin