Dhameystirka Heshiiska Ahlu Sunna iyo Galmudug oo maanta ka dhacaya Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa maanta ka dhaceysa dhameystirka heshiiskii Ahlu Sunna iyo Galmudug. 

Ammaanka Magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaana Magaalada ku qul qulaya mas’uuliyiin badan oo dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ahba ka socda. 

Magaalada hadda waxaa ku wada sugan dhamaan Siyaasiyiinta mucaaridka iyo muxaafidka ah ee ka soo jeeda Galmudug, kuwaas oo Dhuusamareeb u tagay ka qaybgalka munaasibadda isku darka Maamullada Galmudug iyo Ahlu Sunna. 

Labada dhinaca ayaa heshiis gaaray Bishii December ee Sanadkii la soo dhaafay waxaana munaasibadda lagu gaba gabeynayo heshiiska la iskuna darayo labada maamul ka dhaceysaa Dhuusamareeb.

Comments