Militariga Somaliya oo ciidan xoogan dhigay wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad

Taliska Militariga Somaliya, ayaa maanta ciidan xoogan dhigay wadada dheer ee xiriirisa Degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Tani waxay ka dambeysay markii ay Shabaabku ku soo xoogeysteen wadadaasi, iyagoona weeraraayay gaadiidka ay ku safrayaan Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda.

Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya kuwa Maamulka Hirshabelle, ayaa bilaabay inay beegsadaan goobaha ay Shabaabku kaga sugan yihiin wadadaasi, iyagoona maanta dib ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceelka Geelow, xilli ay shalay Shabaabku dagaal kula wareegeen.

Ciidamada dib ula wareegay Ceelka Geelow, ayaa waxaa horkacayay masuuliyiin uu ugu sareeyay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

General Maxamuud Maxamed Koronto, Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xooggga Dalka, ayaa caawa sheegay inay meesha ka saari doonaan dhibaatada ay Shabaabku ku hayaan gaadiidka adeegsanaya wadada Jowhar iyo Balcad u dhaxeyso.

General Koronto oo la hadlay Radio Muqdisho waxa uu hoosta ka xariiqay in Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaar u yihiin, sidii ay Shabaabka kaga saari lahaayen goobaha ay wadada ka jooggaan.

Comments