Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug oo Muqdisho ku geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Galmudug, kaasi oo sida eheladiisa sheegeen ku xanuunsanaa Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka geeriyooday, ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Cabdikariin Maxamed Cusmaan Ciro oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanaayay Magaalada.

Qaar ka mid ah ehelada Xildhibaanka iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxa ay ka tacsiyadeeyeen geerida ku timid Xildhibaankaasi.

Ehelada Xildhibaanka ayaa sheegay in maanta Magaalada Muqdisho lagu aasi doono Xildhibaankaasi geeriyooday.

Comments