Shabaab oo deegaanka Kuntuwaarey ku karbaashay nin ay ku eedeeyeen fal Zino xoog inuu gaystay

Ururka Al Shabaab ayaa xukun karbaash iyo masaafuris waxa ay isugu dareen nin ay ku eedeeyeen inuu gaystay fal zino ah, kadib markii la istaajiyay fagaare ku yaallo deegaanka Kuntuwaarey ee Gobolka Shabellaha hoose. 

Cabdi Axmed Abuukar oo nin dhalinyaro ah ayaa lagu dhuftay Boqol Karbaash, waxaa kale oo lagu xukumay inuu bixiyo Qaalin Geel ah iyo muddo sanad ah oo laga masaafuriyay deegaanka Kuntuwaarey. 

Qaadiga maxkamadda Ururka Al Shabaab ayaa ku dhawaaqay xukunkaasi, iyadoo boqolaal dadweyne ah ay daawanayeen fagaraha xukunka uu ka dhacay. 

Qaadiga maxkamadda Shabaabka ayaa waxa uu sheegay ninkaan oo aanan horay u soo marin guur inuu fal zino xoog ah kula kacay gabar ku nool deegaanka Kuntuwaarey. 

Al Shabaab ayaa sida caadada ah ee lagu yaqaano xukunada ay ridaan waxa uu yahay mid hal dhinac ah, maadaama dadka ay xukumaan aysan haysan qareeno u dooda oo ka difaaca eedeymaha Shabaab ay soo jeediyaan. 

Deeganada Shabaab ay ka joogaan Gobolada dalka Somaliya ayaa waxaa ka dhaca xukunada noocaan oo kale ah.

Comments