Ciidamo ka tirsan Amisom oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb si ay amniga u adkeeyaan

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan Amisom kuwaas oo la wareegaya ammaanka Magaalada inta uu Madaxweynaha Soomaaliya joogo Magaaladaas. 

Ciidamada Amisom ee gaaray Dhuusamareeb waxaa ay ka baxeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaana ay isugu jiraan Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ee ku jira howlgalka Amisom Soomaaliya. 

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay iyada oo dadka iyo gaadiidkaba la baarayo,waxaana Magaalada ay isu diyaarineysaa soo dhaweynta Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya. 

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa wali ku sugan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo waxaana la filayaa in uu uga soo gudbo koofurta halkaasna uga bilowdo safarka degaannada Galmudug.

Faallooyin