Saddex askari oo ku dhaawacantay qarax miino oo ka dhacay wadada Warshadaha ee Muqdisho

Wararka inaga soo gaaraya agagaarka Haanta dheer ee Degmada Dayniile, gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Militariga Somaliya ayaa goor dhaw waxaa halkaasi lagula eegtay qarax miino. 

Saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaasi miinada ah ee ciidamada lala eegtay. 

Dadka deegaanka ayaa shegay gaarigaan oo noociisa uu yahay Cabdi Bile in lagu qarxiyay miinada xilli uu halkaasi maraayay. 

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in ciidamadii qaraxa ku dhaawacmay loola cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. 

Al Shabaab ayaa wadooyinka Muqdisho qaarkood waxa ay ku aasaan qaraxyada miinada noocaan oo kale ah oo ay la eegtaan gaadiidka dowladda.

Faallooyin