Barasaabka deegaanka Garissa oo balan qaaday in marka xilkiisa uu dhamaado uusan katagi doonin deymo aan la bixinin.

Gavanaha ismaamulka dawlada Garissa Mudane Ali Bunow ayaa u xaqiijiyay dadka kudhaqan Deegaanka in marka xilkiisa uu dhamaado uusan katagi doonin deymo aan la bixinin.


Xili uu warbaahinta kula hadlaayay xafiiskiisa maalinimadii shalay aheyd ayuu Mr Korane sheegay in dowladiisa ay hirgalin doonto oo kaliya mashaaric kudheehan miisaniyadda kauntiga.


Dowladii Gavanihii hore ee kauntigan Garissa Mudane nadhif Jama ayaa lagu eedeeyay inay ka tagtay deyn aad u badan oo gaareysaa ila 4.3 bilyan shillinka dalka oo ay ku lahaayeen qandarasleyda iyo bixinta addegyada kale.


Mr Korane ayaa sheegay in dowladiisa aysan fulin doonin mashruuc aan loo qondeynin lacagaha loogu tala galay.


Dhinaca kale, Mr Korane ayaa sheegay in maamulayasha degmooyinka ay sidookale kormeer kusameyn doonan ayna guddoomin doonan kulamada guddiga mashaaricda horumarineed ee laga fulinayo degaanadooda.


Guddigas waxaa uu ka koobnaan doonaa xildhibaanka aagasi, xubnaha aqalka barlamaanka kauntiga iyo qaar kamid ah dadka degaanadas wuxuuna intaas kudaray in tani ay u oggolaanayso shacabka inay ka qayb qaataan go'aanada lagu horumarinayo degaanadda.


Gavanaha Deegaanka Garissa ayaa sheegay in laga bilaabo bisha soosocoto uu bilaabi doono socdaal uu kumarayo dhamaan 6da degmo uu ka kooban yahay deegaanka Garissa.


Wuxuuna sheegay in socdaalku uu ka caawin doono shacabka deegaanka inay gartaan shaqaalaha deegaanka iyo saraakisha uxilsaaran waaxyada kala duwan.

Comments