Wasiirkii hore ee ganacsiga Somaliland oo beer ku tacbada duleedka Magaalada Berbera

Cumar Shuceyb Maxamed Wasiirkii hore ee ganacsiga Xukuumadii Siilaanyo, ayaa wuxuu ka mid noqday beeralayda wax soo saarka kala duwan ka sameeya beeraha deeganada Somaliland. 

Cumar Shuceyb ayaa deegaanka Sheelane oo 37-KM u jirta Magaalada Berbera wuxuu ku tacbadaa beer wayn oo halkaasi ku taalo, beertaasi oo wax soo saar kala gedisan laga sameeyo. 

Wasiirkii hore ee ganacsiga Somaliland, ayaa wuxuu sheegay inay muhiim tahay in laga faa’iideysto khayraadka kala duwan ee dalka ku jira. 

“Beerta waxaa laga soo saaraa tamaandhada, basasha iyo Barbarooniga, qaarkood waxaa la inooga keenaa dalka Itoobiya, oo kuwayaga ayaa ka wanaagsan xittaa, bal eeg basasha inta ay la eeg tahay.” Ayuu yiri Wasiirkii hore ee ganacsiga Somaliland.

 “Siyaasad kaliya nolol ma’ahan dalkeena khayraad ayaa ka buuxa, haddii siyaasadda aad waydo maxaad qaban gidaarada ayaad taagnaanaysaa sow ma’ahan waa in feker hal abuur leh lala yimaadaa.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cumar Shuceyb.

Dalkeena ayaa waxaa ka buuxa khayraad kala duwan oo alle ugu maneystay, balse dadka Somaliyed ayaanan garaneyn sida looga faa’iideysto khayraadkaasi dalka ka buuxa.

Faallooyin