Dowladda Somaliya oo sheegtay 10 cisho gudahood maxaabiis India laga soo daayay in la keenaayo Muqdisho

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay maalmaha soo socda in Magaalada Muqdisho la keeni doono maxaabiis laga soo daayay xabsi ku yaal dalka India. 

Farmaajo, ayaa sheegay 10 cisho gudahood in maxaabiistaan lagu keeni doono Magaalada Muqdisho, islamarkaana arintaasi dowladda Somaliya ay ka shaqeynayso. 

Wuxuu tilmaamay maxaabiista qaarkood in la soo daayay oo ay degan yihiin Hotelo ku yaallo dalkaasi, waxayna sugayaan kuwa kale oo maalmaha soo socda la sii dayn doono, si ay isku soo raacaan. 

“10 beri gudaheed waxaa iman doona dad gaaraya 100 oo an soo deynay oo qaar kamid ah kasoo saarnay xabsiyadii oo Hoteello deggan oo sugaya qeybkale oo soo socota si aan dalka ugu soo qaadno” ayuu yiri madaxweynaha.

Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ku guuleysatay in xabsiyada laga soo daayo maxaabiis badan oo Soomaliyeed, iyadoo horey dad badan looga soo daayay Itoobiya iyo Jaziiradda Seychelles.

Faallooyin