Madaafiic lagu weeraray Madaxtooyada Somaliya oo dhimasho iyo dhaawacba sababay

Tiro madaafiic ah, ayaa ka hor Salaaddii Casar ee maanta lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Somaliya ee Magaalada Muqdisho, iyadoo hal madfac uu gudaha ugu dhacay Madaxtooyada.

Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa laga maqlay illaa saddex madfac, oo ku soo kala dhacay xaafadda Fiyooraha, Khabuuraha Sheekh Suufi iyo Madaxtooyada.

Waxaa la'ogyahay in illaa saddex qof ay ku geeriyoodeen madaafiicdan, halka afar kalena ay ku dhaawacantay. Dhibane-yaasha waxaa la soo sheegaya in ay rayid yihiin.

Shaqaalaha gurmadka deg-degga ee caafimaadka oo gaaray xaafadda Fiyooraha iyo Khabuuraha Sheekh Suufi, ayaa ka qaaday dadkii rayidka ahaa ee madaafiicda ku waxyeeleeyeen.

Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Somaliya, ayaa sheegtay masuuliyadda madaafiicda maanta lagu weeraray Villa Somalia.

Faallooyin