Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa maanta gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweynaha Somaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo saakay ka amba baxay Magaalada Qardho, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso.

Boqolaal ka mid ah dadweynaha reer Boosaaso, ayaa isugu soo baxay wadooyinka ku yaala magaaladaasi, si ay kaga qayb qaataan soo dhawaynta wafdiga Madaxweynaha.

Wafdiga Madaxweynaha oo si nabdoon ku gaaray Magaalada Boosaaso, ayaa kolkii dambe loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Boosaaso.

Suxufiyiinta, ayaa waxay soo sheegayan in wafdiga Madaxweyne Farmaajo ay Magaalada Boosaaso kulan kula leeyihiin odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin.

Faallooyin