Saraakiisha Danab oo sheegay laba Sarkaal oo mid Ajnabi yahay inay ku dileen Sh.hoose

Saraakiisha Kumaandooska Somaliya waxa ay sheegteen inay dileen laba Sarkaal oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib markii hawlgal qorsheysan ay ku qaadeen deegaanka Buulo mareer ee Gobolka Shabellaha hoose.

Hawlgalka ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay laba Sarkaal oo mid ka mid ah uu yahay Saraakiisha Al Shabaab ee Muhaajiriinta ah, inkastoo aanan la ogeyn xaqiiqda hadalkaasi.

Saraakiisha lagu dilay deegaanka Buulo Mareer waxaa ka mid ah Zubeyr Al-muhaajir, oo ahaa Sarkaalka tababarada Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha hoose iyo Sarkaal kale oo lagu magacaabi jiray Macalin Cumar.

Ma jirto ilo ka madax banaan Saraakiisha Danab oo xaqiijinaya in la dilay labadan Sarkaal oo ka tirsanaa Ururka AL Shabaab.

Al Shabaab dhankooda kama aysan hadlin, hadalkaan ka soo baxay Saraakiisha ciidamada Danab ee Somaliya.

Comments