Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka Degmada Heliwaa oo qarax miino lala eegtay

Qarax miino ayaa lala eegtay gaari uu watay Sarkaal ka tirsan Maamulka Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lala eegtay gaari uu saarnaa Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Heliwaa Abshir Kaaraan.

Gaarigii uu watay Gudoomiye ku xigeenka markii uu dhaafay meesha miinada ku aasneyd ayeey qaraxday, miinada waxaana la sheegay wax khasaare ah inuusan ka dhalan.

Saraakiisha ammaanka Degmada Heliwaa, ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaasi uusan waxba khasaare gaysan.

Ciidamada dowladda oo goobta tagay ayaa waxa ay sameeyeen baaritaan waxa ayna soo qabteen tiro dhalinyaro oo ay ku tuhmayaan inay miinada qarxiyeen.

Faallooyin