Duqa Muqdisho oo Golaha Aqalka Sare ka dalbaday inay ka shaqeeyaan maqaamka Muqdisho

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka codsaday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya in ay dadajiyaan dhismaha maqaamka siyaasadeed ee caasimadda.

Waxa uu sheegay shacabka Muqdisho oo ka badan Saddex Milyan weli Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Baarlamaanka in ay ka sugayaan in Muqdisho ay hesho xaqii ay laheyd, taasi oo ay ku leedahay nidaamka Federaalka.

Sidoo kale Guddoomiye Thaabit ayaa sheegay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in uu horyaallo maqaamka ay leedahay magaalada Muqdisho, maadaama Dastuurka dalka uu dhigayo in labada Gole ee Dowladda ay sharci ka soo saarayaan maqaamka caasimadda.

Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay Guddoomiye Taabit munaasabad lagu soo xerayay Kalfadhiga Labaad ee Golaha Baarlamaanka Aqalka Sare oo xalay ka dhacday Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaanan horey u cadeynin maqaamka ay leedahay magaalada Muqdisho, iyada oo shirar horey uga dhacay Muqdisho arrimaahaasi looga hadlay.

Faallooyin